4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2017
Diyaarad duulimaadkeedkii loo weeciyay wadda sheekeysi laga shakiyay awgeed

 

Axad, June, 11, 2017 (HOL)- Sheeko cajiib ah ayeey noqotay kaddib markii diyaarad ka soo duushay dalka Slovenia ku sii soctay dalka Britain si degdeg ah loo dejiyay, kadib markii duuliyaha lagu wargaliyay rag saarnaa diyaarada oo ka mid ahaa rakaabka in ay u shekeysanayeen ama u wadda hadlayeen siddii ‘’argagixasada oo kale ".

Waxaa la sheegay in habeenimadii Sabtida arintan loo xiray saddex nin, kaddib markii diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda Easyjet lagu dejiyay garoonka Cologne-Bonn ee dalka Jarmalka.

Waxaa dhamaanba si deg deg ah looga dajiyay diyaaradaha 151 rakaab ah, waxaana duulimaadka la hakiyay muddo saddex saac ah. Booliska ayaa sidoo kale burburiyay boorso ay wateen raggaasi.

War qoraal ah oo uu soo saaray booliska magaalada Cologne ayuu ku sheegay in qaar ka mid ah rakaabka ay shaqaalaha diyaarada ku wargeliyaan in saddexda nin ay ka sheekaysanayeen argagixisanimo, balse faahfaahin dheeraad ah laguma sheegin qoraalka.

Shirkadda Easyjet ayaa sheegtay in duuliyaha uu gaaray go'aanka dejinta diyaaradda, si uu u hubiyo ammaanka rakaabka diyaaradda saaran.

Dhammaan rakaabka diyaaraddaasi ayaa la siiyay meel ay seexdaan, waxaana ay duulimaadkooda dib u billaabayaan maanta oo Axada ah, sida ay shirkadda sheegtay.

Dhacdooyinka noocan oo kale ayaa marmarka qaar noqon kara kuwa diidaya maskaxda qofka bani’aadamka ah, hasse ahaatee waxaa muuqata in ay tahay mid ka mid ah walwalka ballaaaran ee laga qabo falalka argagixisada dunida oo hadda u muuqda kuwo heerkoodii ugu sareeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]