Axad,Juune, 11, 2017 (HOL)- Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa
maanta wareegto ku saaray maalinta Doorashadda madaxtooyaddu ka dhici doonto
dalka.
Madaxweynaha ayaa
cayimay in ay
doorashadda Soomaaliland ee madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku
qabsoomi doonto taariikhdu marka ay tahay 13/11/2017, taas oo
uu sheegay in ay noqonayso maalinta loo dareeri doonno doorashadda.
Sidoo kale, Guddida
Doorashooyinka ayaa iyaguna shalay shaaciyey in bisha 13/11/2017 qabsoomi
doonto doorashadda, waxaanay u gudbiyeen madaxweynaha, waxaanu madaxweynuhu ku
raacay go’aankii guddida doorashooyinku soo saareen.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo
summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4866/062017 ku Cayimay Xilliga Doorashada
Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland la qaban doono”ayaa lagu
yidhi qoraal xafiiska madaxweynaha ka soo baxay .
Waxaana intaas lagu daray “ Markuu Helay: Qoraalka Guddida Doorashooyinka
Qaranka ee Summaddiisu tahay KDQ/XK/060/2017 ee ku taariikhaysan 08/06/2017,
Ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne
Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, si waafaqsan Qodobka 9aad (2) ee Xeerka
Wax-ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Goleyaasha
Deegaannada ee Xeer Lr. 20/ 2001;
Markuu Arkay: Go'aanka Golaha Guurtida
Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay GG/JSL/Go'aan-02/03/2017, kuna
taariikhaysan 06/03/2017, kaas oo lagu sameeyey muddo korodhsiimo ku eeg
13/12/2017;
Markuu Arkay: Qoraalka Maxkamadda Dastuuriga ah, ee
summaddiisu tahay MD/DD/01/2017, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna
tahay Qaraarka Dib-u-eegista Qaraar Fasiraad lam.MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015;
Markuu Ku Qancay :In ay lagama-maarmaan u tahay Hannaanka
Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka in la cayimo xilliga doorashada Madaxweynaha
iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland;
Wuxuu Soo saaray
Xeerkan oo lagu go'aamiyey in
taariikhdu marka ay tahay 13/11/2017, ay noqoto maalinta ay qabsoomayso
Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.”
Si kastaba ha ahaatee, dhawr jeer
oo hore ayaa doorashadda madaxtooyadda iyo Baarlamaankaba dib loo dhigay,
iyagoo doorkii u dambeeyey lagu sababeeyey abaarihii dalka ka jiro, inkastoo
imika uu wadanku ku jiro xaalad adag oo shuban biyood ah oo inta badan
goboladda laga soo sheegayo shuban biyood, waxaana gudoomiyaha golaha Guurtiddu
sheegay in haddii hore loo xakameyn waayo shuban biyoodka qasab noqon doonto in
doorashadda mar kale dib loo dhigo.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.