4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2017
Dowladda Soomaaliya oo warqadaha aqoonsi ka gudoontay Danjiraha cusub ee Jaamacadda Carabta


Axad, June, 11, 2017 (HOL)- Jaamacadda carabta ayaa Danjire cusub usoo magacoowday Soomaaliya, ayadoo maanta waraaqihii aqoonsi uu ka gudoomay wasiiru dowlaha arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane C/qaadir Axmed Kheyr.

Danjiraha Cusub ee Jaamcaadda Carabta u fadhin doona Soomaaliya Amb. Xamuud Samraan Al-jowri ayaa lagu soo dhaweeyay Muqdisho, ayadoo danjiraha uu badali doono Danjirihii hore ee Jaamacadda Carabta Max’ed Cabdalla Idiris.

Wasiiiru dowlaha arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane C/qaadir Axmed Kheyr ayaa danjiraha cusub u rajeeyay in uu howlihiisa Alle u fududeeyo, isagoo sheegay in ay ka rajeeynayaan in uu u horseedi doono in dhammaan dalalka Carbeed ay safaaradahooda ka furtaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Danjiraha cusub ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay xilka cusub ee loo soo magacaabay, isagoo ka mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay, waxa uuna dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay sida ay ugu howlan tahay dib usoo noolaynta xiriiradii kala dhexeeyay dalalka caalamka.

Soomaaliya ayaa xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta ayadoo ku biirtay sanaddu markay ahayd 1974-tii sanado yar kadib markii uu dalka xoriyaddiisii qaatay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya