4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2017
Dowladda Sucuudiga oo Muwaadiniinta Qadar u diiday in ay soo xajiyaan

Axad, June, 11, 2017 (HOL)- Dowladda Sucuudiga ayaa ka hor istaagtay muwaadiniinta dalka Qadar in ay ku cibaadeeystaan masaajidda barakeeysan ee magaalada Makka,  ayado arintan ay qeyb ka noqoneeyso go’doominta ay Sucuudiga dooneeyso in ay geliso dalka Qadar, sida laga soo xigtay wargeyska Al-sharqi.

Wargeyska Al-sharq ayaa daabacay in dowladda Sucuudigu si cad ugu sheegtay in muwaadiniinta dalkaasi in aysan sanadkan iman Karin xajka.

Gudiga xuquuqul insaanka dalka Qadar (NHRC) ayay cabasho kasoo gaartay muwaadiniinta dalka Qadar ee doonayay in ay sanadkan soo cumreeystaan, kuwaa oo u sheegay in laga hor istaagay in ay dalkaasi galaan.

Cali Bini Smaikh Al-marri oo ah madaxa gudiga qaran ee xuquuqul insaanka dalka Qadar ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid xad gudub ku ah heshiiskii xuquuqul insaanka ee xoriyadda u siinaya in qofku guto waajibaadkiisa diiniga ah.

Gudiga ayaa sheegay in dowladda sucuudiga aysan xaq u lahayn in dadka cibaadeeysanaya ay weeydiiso dhalashadooda oo ay dadka Muslimiinta ah kala fuquuqdo.

Arrintan ayaa imaaneeysa maalmo yar kadib markii dalalka Isu tagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ay dambiileyaal ku tilmaameen dadka taageeraya dowladda Qatar, ayagoo ugu hanjabay xabsi iyo ganaax in ay muteeysan doonaan muwaadiniinta u dhashay dalalkaasi ee taageera siyaasadda dowladda Qadar.

Tan iyo markii ay soo baxeen xiisadaha ka dhex aloosan dalalka Khaliijka waxaa soo badanayay halku dhigyada looga soo horjeedo amaba lagu taageerayo dowladda Qadar oo dhex yaacaya  baraha bulshada.

Doodaha u dhexeeya Qadar iyo dowladaha Carbeed ayaa kasii daray kadib markii weerar dhanka internetka ah lagu qaaday wakaaladda wararka dalka Qadar.

Dowladda Qadar oo ay dalalka xiriirka u jaray ku eedeeynayaan in ay taageerto kooxo argagixiso ayaa beenisay eedeeymahaasi ayadoo sheegtay in ay dagaal dadban kula jiraan kooxaha argagixisada oo dhalinta ay u sameeyaan shaqo abuur, waxbarasho ay siiyaan boqollaal kun oo qaxooti Suuriyaan ah, iyo in ay maalgeliyaan barnaamijyada lagula dagaalamo kooxaha xagjiriinta ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.