4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 11, 2017
Taliyaha Daraawiishta “25 dagaalyahanno oo Al Shabaab ah ayaan ku dilnay Af-Urur”

 
Axad, June, 11, 2017 (HOL)- General Saciid Dheere, oo ah Taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay tuulada Af-urur ay ku dileen 25 dagaalyahanno oo ka tirsanaa Al Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.

“Qorshaha maamulka hadda waxaa uu yahay sidii amniga loo adkeyn lahaa, kooxaha argagixisadana talaalabii ugu habooneeyd looga qaadi lahaa”, sidaas ayuu hadalkiisa uu sii raaciyay Taliyaha.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ay leeyihiin ciidamada maamul-gobolleedka Puntland.

Waxay sheegeen in ay halkaas ku dileen 61 askari oo ka tirsan ciidamadii saldhigaa joogay ayna qabsadeen 16 gaari.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Af-urur oo ka tirsan Galgala oo Boosaaso u jirta 70 km, halkaas oo uu ku yaallay saldhig militari oo ay leeyihiin ciidammada daraawiishta ee Puntland.

Weerarku wuxuu billawday xiligii saxuurta, wuxuuna socday in ka badan saddex saacadood.

 
Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Cabduwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid askartii iyo dadkii rayidka ahaa ee ku geeryooday weerar ay Al Shabaab ku qaadeen ciidamada mamulka Puntland.

Tacsi kadib, Mudane Gaas ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, uu ugu baaqayo in ay ku taageeraan dagaalka ka dhanka ah kooxu uu sheegay in ay kusoo duuleen shacbiga Soomaaliyeed.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia