4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2017
Daawo: Gaas “Waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka iyo Besheesha caalamaka in ay nagu taageeraan dagaalka”

 
Sabti, June, 10, 2017 (HOL)-  Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Cabduwali Maxamed Cali Gaas, ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid askartii iyo dadkii rayidka ahaa ee ku geeryooday weerar ay Al Shabaab ku qaadeen ciidamada mamulka Puntland.

Tacsi kadib, Mudane Gaas ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, uu ugu baaqayo in ay ku taageeraan dagaalka ka dhanka ah kooxu uu sheegay in ay kusoo duuleen shacbiga Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in dadka ku nool degaannada Puntland ay u diyaargaroobaan dagaalka ka dhan ah kooxo uu ugu yeeray burcad.

“Waxaan shacabka Puntland u sheegayaa meel kasta oo ay joogaan inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhana ah burcad diimeedka ku soo duulay dhulkayaga”ayuu yiri.

Xarakadda Alshabaab ayaa sheegtay in ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ay leeyihiin ciidamada maamul-gobolleedka Puntland.

Waxay sheegeen in ay halkaas ku dileen 61 askari oo ka tirsan ciidamadii saldhigaa joogay ayna qabsadeen 16 gaari.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Af-urur oo ka tirsan Galgala oo Boosaaso u jirta 70 km, halkaas oo uu ku yaallay saldhig militari oo ay leeyihiin ciidammada daraawiishta ee Puntland.

Weerarku wuxuu billawday xiligii saxuurta, wuxuuna socda in ka badan saddex saacadood.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia