4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2017
AMISOM iyo Al Shabaab oo madaafiic isku weydaarsaday Sh/Hoose

 
Sabti, June, 10, 2017 (HOL)- Xarakadda Al Shabaab ayaa xalay Madaafiic ku garaacay saldhigyo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Number  50  ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ciidamadii madaafiicda lagu garaacay in iyagana ay madaafiic kale ay ku jawaabeen.

Lama shaacin khasaaraha ka dhashay madaafiicda waxaana dhinaca kale saaka deggan xaaladda degaanka.

Bishii May ee lasoo dhaafay, Al shabaab iyo Ciidamada AMISOM ayaa sidan oo kale madaafiic isku weydaarsaday degaan duleedka ka ah Magaalladda Muqdisho.

Weerarka madaafiicda waxaa uu ka dhacay xaafadda Arbacow oo ka tirsan degaanka Ceelasha biyaha.

Madaafiicda AMISOM ay ku jawaabeen ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen Dad shacab ah oo hoobiyaasha ay guryahooda ugu tageen halkaaas oo ugu yaraan 2 ruux ay ku geeriyooday.

Hiiraan Online,
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia