
Sabti, July, 08, 2017 (HOL) – Faah faahin dheeraad ah aya kaasoo baxaya dil Lix wiil oo uu dhalay ganacsade lagu magacaabo Xaaji Gaaboow oo maanta barqadii ka dhacy deegaanka Calamada ee dulleedka magaalada Muqdisho.
Wiilasha ayaa la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen dad ka soo laabtay Aaska qof dumar ah taasoo ay qaraabo dhaw ahaayeen.
Dad ku sugnaa goobta uu falkan ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan oo gaari watay ay yimaadeen goobta uu Aaska ka dhacayay kaddibna halkaa ku toogteen dhalinyaradan oo sida la sheegay wada saarnaa hal gaari.
Mid ka mid ah dhalinyaradan la dilay ayaa la sheegay in isagoo dhaawac ah uu isku dayey in uu ka baxsado goobta hasse ahaatee kooxda weerarkan fulisay uga daba-tageen dhulka Kenyta ah ee deegaanka Siinka dheer oo ay ku toogteen.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobtaas
ka baxsaday, lamana oga illaa hadda cida ay ahaayeen iyo sababta ay u laayeen Wiilasha
uu dhalay ganacsadaha caanka ah ee Xaaji Gaabow.
Goobta uu dilkan foosha xun ka dhacay ayaa sidoo kale la sheegay iney tahay
goobtii sanado ka hor lagu weeraray laguna laayey dhaqaatiir ajnabi ah oo u
dhalatay dalka Siiriya.
Gudoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijiyey dilka loo geystay wiilasha
ganacsade Xaaji Gaaboow waxaana uu xusay in uu arintaas ka tacsiyadeynayo,
islamarkaana la wado baaritaan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]