4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2017
Urur suxufiyiin oo looga dhawaaqay gobolka Sool ''Sawiro''


Isniin, Janaayo, 09, .2017 (HOL) - Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in warbaahintu tahay mida looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan horumarinta Bulshada, iyo in ay ka fogaadaan wixii fadqalalo dhalinkara mar uu ka hadlayay xaflad lagu furayey ururka Saxaafada Gobolka Sool ee Sool Media Assocition.

"Maanta hadaad urur samaysateen aad ayaan u soo dhoweynaynaa, wixii aad nooga baahataana waan idinla qabanaynaa, waxaana idinka rabnaa inaad fikirka bulshada bedeshaan oo aad kala dagaalataan wixii xumaan ah wanaagana aad ku hagtaan" ayuu yidhi Yaasiin Maxamuud Xiir Wasiirka Arimaha Gudaha.

Munaasibadan oo ahayd mid si aad ah loo soo agaasimey oo ay ka soo qaybgaleen Madaxda Gobolka, Degmada, Culimada, Cuqaal Bahda Saxaafadda iyo Bahda suugaanleyda ayaa waxa dhidbada Loogu taagey urur ay yeelanayaan Saxaafadda Gobolka Sool.

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Faysal Jaamac Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyey heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay isagoo ka soo bilaabay 26 Jan. 1991 oo joornaalkii ugu horeeyey ee madax banaan laga soo saaray magaaladda Laascaanood kaas oo la odhan Jirey Nugaal.

"Waqtigan casriga ah oo ay soo badanayaan dadka xiisaynaya mihnada Saxaafadda waxaan ururkan uu qaban doonaanaa hawlo badan oo ay ka mid tahay Machad lagu barto Saxaafadda, iyo sidii kor lloogu qaadi lahaa aqoonta kuwa shaqeeya" ayuu yidhi Faysal Jaamac .

Xoghayaha Ururka SOMA C/raxmaan Cali Ducaale ayaa isaguna dhankiisa waxa uu sheegay in sababaha ururkan keenay ay ka mid tahay dhibaatooyin xoogleh oo saxafiga ku yimaada oo ay ka mid tahay xadhig, hanjabaad iyo dhibaatooyin kaleba.

Cismaan C/nuur Xaashi oo saxafi Ruugcadaa ah ayaa saxaafadda haatan ku eedeeyey in ay galaan fallal liita, waxaanu ku dhaliilay qiimahooda oo ay aad hoos u dhigeen waxaanu kula dardaarmay inay sidan wax ka bedelaan.

Qaar badan oo ka mid ah waxgaradka degaanka oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Siciid Axmed Cadar, Caaqil Axmed Maxmed Maxamuud, Guddomiyayaasha Jaamacadaha Nugaal iyo Golis ayaa waxa ay dhamaantood ka hadleen sida ay ugu qanacsan yihiin ururkan isla markaana ay gacan ka geysanayaan sidii uu u taaba geli lahaa.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir oo soo gabagabeeyey ayaa waxa uu sheegay in ay si buuxda ula shaqayn doonaan ururka waxaanu kula dardaarmay in aanay runta ka leexan wixii dhaliil ahna ay sheegaan.

Ururkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee degaankan laga sameeyo, kaas oo wax weyn ka taraya dhibaatooyin xoogleh oo mudo soo noqnoqon jirey kaas oo u dhexeeya inta badan maamulka iyo Suxufiyiinta, iyo iyagoon helin baahiya aqooneed iyo horumarineed ee laga helo ururadda Caalamiga ah.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G.Sool