4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2017
C/raxmaan Ibi’’ haddii aan guuleysto xildhibaan walba waxaan u iibin doonaa IPAD

 

Isniin, Janaayo, 09. 2017 (HOL) – Iyadoo maanta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay khudbad ka hor jeediyeen musharixiinta xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad ee guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, ayuu mid walba oo ka mid ah diirada ku saaray khudbadiisa wax uu qaban doono hadii uu xilka ku guuleysto.

C/raxmaan Xaaji Aadan Ibi oo ka mid ahaa muharixiintii maanta khudbadahooda jeediyay, ayaa ka yaabsaday xildhibaannada, kaddib markii uu sheegay in hadii loo doorto xilkan uu u iibin doono xildhibaannada Telleefoonnada IPAD -ka ee Email- da loogu soo diro, si looga kaaftoomo ayuu yiri isticmaalka warqadaha tirada badan leh ee xildhibaannada loo qeybiyo.

Siddoo kale, xildhibaan Ibi ayaa sheegay in hadii xilkan loo doorto uu dhisi doono masjid sida uu sheegay ay ku tukadaan haweenka xildhibaannada ah.

‘’’Waxaan la socnaa xildhibaannada sharafta leh ee haweenka ah malaha masjid ay ku tukadaan, marka ay rabaan in ay salaada iska bixiyaan waxaan ka warqabnaa in ay meelo aan munaasabad ku aheyn kula dhuuntaan sidaa daraadeed waxaan dhisi doonaa masjid ay haweenka ku tukadaan’’ ayuu yiri xildhibaan Ibi.

Khudbada Ibi oo aheyd mid runtii siweyn uga duwaneyd soo jeedintii xildhibaannada, ayeey mudanayaasha baarlamaanka ku soo dhaweeyeen sacab.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka, ayaa sheegay in haddii uu xilka ka guuleysto gacan weyn ka geysan doono sidii loola dagaallami lahaa musuq maasuq oo sida uu hadalka u dhigay ah arin saameyn xun ku yeellatay maamulka sare ee dalka.

Xildhibaannada kale ee khubadahooda maanta jeeediyay ayaa intooda badan diirada shaaray arimaha sharciga iyo wax ka badal ay ku sameyn doonaan hanaankii uu baarlamaanka ku soo socda sanadihii ugu danbeeyay.

Ugu danbeyntii, maalinta Arbacada ah ee 11bishan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya sida ay horay u shaaciyeen guddiga qaban-qaabada doorashada.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]