4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2017
Dhaqaalaha Soomaaliya oo dib usoo noolaanaya kadib xasillooni waxoogaa la dareemay

Isniin, Janaayo 09, 2017 [HOL]-Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa haatan dib u soo noolaanaya kadib xasillooni waxoogaa la dareemay caasimada Muqdisho iyo qeybo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Kadib tobanaan sano oo dagaal sokeeye ah ayaa haatan ganacsiga dalku meelo badan aad usoo camirmayaa dhaqaaluhuna kobcayaa. Waa xaqiiqo xataa baanka caalamku uu ka maqsuuday dhawaan.

Baanka Aduunka [World Bank] ayaa sheegay in dalku uu iminka awoodo inuu kabaxo qalaanqalka iyo dhaqaale xumidii tobanaankii sano ee lasoo dhaafay.

Wuxuu Baanka Aduunku sheegay in caqabado waaweyn uu dalka Soomaaliya ka gudbi karo una gudbi karo horumar mustaqbalka sii jiri kara.

“Ilaa hada waxaa jira daliilo ah in dhaqaaluhu soo korayo: Soomaalida ayaa waxay kasoo laabanayaan dibada, dukaamo ayaa la furayaa, goobo kale oo ganacsi shatiyo ayaa lasiiyaa, suuqyada hantida maguurtada ah lagu kala iibsadana waa buuxdhaafeen". Warbixin dhawaan uu soo saaray baanka caalamka ayaa sidaa lagu xusay. 

Qaraxyo ayaa marmar dhaca balse aad loogama hadlo ganacsiga aadka ah ee dalka ka socda.

Dallad cusub oo ganacsi ayaa abuurtay iminka abaal marin sanadle ah oo lasiinayo ganacsiyada ugu wanaagsan mulkiileyaashooda.

Tartanka arinkaa loo galayo ayaa waxaa ganacsigii ku guuleysta abaalmarinta la siin doonaa dhammaadka sanadkaan sida lagu wado.

Abaalmarintaa ayaa lagu magacaabay Somali Annual Business Award [SABA].

Waxaa looga gol leeyahay abaal marinta in lagu horumariyo bulshada ganacsiga ayadoo la xusayo sheekooyinkooda iyo guulahooda.

“Soomaaliya waxaa ay ku faantaa inay tahay dalkii ugu horeeyay ee yeesha xawaalado wanaagsan oo durba lacagaha lagu xawilo. Ganacsigu waa istarayaa caasimadaha iyo magaalooyinka waaweyn. Soomaalidu waxay leeyihiin firfircooni dabiici ah oo dhanka ganacsiga ah.” Maamulka dallada ayaa sidaa yiri.

Maxamed Dhuubow waxaa uu soo saaraa jariidad lagu daabaco wararka kusaabsan maalgalinta ka socota Soomaaliya.

"Maadaama Soomaalidu leedahay dadaal ganacsi, arintaasi waxay u baahan tahay in la taageero'. Sidaa ayuu yiri Maxamed Dhuubow.

Intii dawladii kacaanku dhacday ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay ayaa si xawli ah ku socday oo horumaraayay.

Adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka ayaa si gaar loo leeyahay loo bixinaayay.

Rasmi la'aanta ayaa heerkaa gaari kadha laakiin ma jiro wax kale oo ay tahay in la sameeyo oo aan ka ahayn in la isticmaalo hababka maareynta heerkoodana sare loo qaado.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]