4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2017
Madaxweyne ku-xigeenkii maamulka Ahlu Sunna oo xilkii laga qaaday

 

Isniin, Janaayo, -09, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca ayaa xil ka qaadis ku sameeyay mid ka mid ah madaxweyne ku-xigeennadii maamulka.

Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in wareegto ka soo baxday madaxweynaha maamulka gobollada dhexe Sheekh Max’ed Shaakir, xilkii looga qaaday madaxweyne ku-xigeenkii maamulkaas Saadiq Sheekh Yuusuf.

Maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa ka arimiya deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud, waxaana xarun u ah degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud.

Maamulkan ayaa siweyn uga soo horjeeda maamulka kale Galmudug ee fadhigiisu yahay degmada Cadaado, sidoo kale maamulkan ayaan aqoonsaneyn siyaasada dowladda dhexe ee la xiriirta deegaannada gobollada dhexe.

Ugu danbeynii, madaxweyne ku-xigeenka xil ka qaadista lagu sameeyay Saadiq Sheekh Yuusuf ayaan wali ka hadal wareegtada la sheegay in xilka looga qaaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]