4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2017
Madaxweynaha Puntland oo safar dhanka Bad-da ah ku tagay degmada Qandala

/images/2017/Jan/

Sawirka: Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.


Isniin, Janaayo, 09, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta galinkii hore safar ku tagay degmada Qanadala oo ka tirsan gobolka Bari ,isaga oo ay la socdaan saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee maamulkiisa.

Safarkan oo aan horey loo sii qorshayn ayaa madaxweynaha la sheegay in uu ugu kuur-galayo xaalad-da degmada oo dhawaan ay isaga baxeen maleeshiyaad daacad u ah wadaadka hogaamiya Daacish-ta Somalia ee Abdulkadir Mumin.

Madaxweynaha iyo saraakiil la socota ayaa doomo xawaare dheereeya ku socda ka raacay degmada Bosaso oo maaalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa ,iyadoo amniga madaxweynaha aad loo adkeeyay.

Dad-weyne fara badan oo ay hor-kacayaan maamulka degmada Qandala ayaa madaxweyne Gaas ku soo dhaweeyay degmadaas ka hor intii aysan la kulmin qaar kamid ah dadka deegaanka oo dhawaan ka soo laabtay barakac.

Waxaa la sheegay in sidoo kale uu madaxweynaha kormeer kooban ku tagay saldhigyo ay ciidamada Puntland ka samaysteen duleedka degmada ka hor intii aysan kooxda Daacish isaga bixin degmadaas oo kamid ah kuwa ugu qadiinsan Somalia.

Ugu danbayn, lama oga inta uu qaadan doono safarkan ,xilli kooxda Daacish ay ku sugan-yihiin meelo aan wax badan ka fogayn degmada Qanadala ,isla markaana ay suurtagal-tahay in weerar gaadmo ah ay ku soo qaadaan ciidamada Puntland.

Faysal M. Hassan
[email protected]