4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2017
Ciidamada AMISOM oo kala xaaltamaya dadkii lahaa geel ay dhawaan ku laayeen Sh/hoose

Isniin, Janaayo 09, 2017 [HOL]-Ciidamada AMISOM ayaa kala xaaltamaya dadkii lahaa geel ay dhawaan ku laayeen deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Dhawaan ayaa ciidamada AMISOM ay ku laayeen geel Shabeelaha Hoose isla markaana ay qirteen inay dileen 25 neef. Gaar ahaan waxay ahayd Sebtidii lasoo dhaafay.

Afhayeenka AMISOM, Joe Kibet ayaa wakaalada wararka ee Soomaaliya ee SONNA u sheegay in dabley ka tirsan  Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaaday gaar ahaan meesha lagu magacaabo Wareer-Maleh oo u dhow magaalada Baraawe taasoo 200 km koofur kaga beegan caasimada Muqdisho.

Wuxuu intaa raaciyay in dableydu ay walxaha qarxa ku weerartay AMISOM taasoo keentay in ay aad xabbado is weydaarsadaan.

 “Intii isweydaarsiga hubku socday oo ahayd xoogaa waqti dheer ayaa geel 25 neef ah ay dhinteen 4 neefna dhaawacmeen.”  Kibet ayaa sidaa yiri.

Waxaa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay arinka kala xaajoonayaan hayadaha dawliga ah ee maxaliga ah.

Waxaa kaloo ay arinkaa kala xaaltamayaan geeleyda maadaama arinkaasi kama' uu ku dhacay. 

Iminka xoolaha la dhoofsho ayaa waxaa kasoo xarooda dhaqaalaha ugu badan ee dalka soo gala.

In ka badan 65% Soomaalida ayaa ah xoolo dhaqato ama dad ku hawlan xoolaha iyo dhaqashadooda.

Marka loo eego macluumaadka FAO, sanadkii 2011 waxaa dalka Soomaaliya ka dhoofay ilaa 4 malyan oo neef ayadoo sanadkaa uu dalka Soomaaliya ugu horeeyay dalalka dhoofsha idaha iyo ari cadka.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]