Madaxweynaha Hirshabeelle oo xil ka qaadis ku sameeyay maamulkii degmada Beledweyne
Isniin, Janaayo, 09,
2017 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa xil ka qaadis ku
sameeyay mas’uuliyiintii maamulka degmada Beledweyne, isaga oo magacaabay mas’uuliyiin
cusub.
Cali C/llaahi Cosoble, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay
guddoomiyihii degmada Beledweyne Max’ed Cismaan Cabdi Qalaafoow, iyo ku-xigeenkiisii Muuse Cabdi Daahir.
Xilka guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne ayaa loo
magacaabay Max’ed Axmed Ibraahim Foodcade, halka ku-xigeen loo magacaabay Khadar
Xassan Afrax.
Ugu danbeyntii, madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale
guddoomiye ku-xigeen cusub u magacaabay degmada Matabaan, kaa oo noqonaya
Ducaale Aadan Cabdi oo badalaya guddoomiye ku-xigeenkii hore Sheekhdoon Faarax Waare.
Madaxweynaha Hirshabeele ayaa bishii October ee sanadkii hore xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, isaga oo xilkaa u magacaabay guddoomiyaha xiligan ee gobolka Cali Jeynte Cismaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]