Isniin, Janaayo, 09, 2017 (HOL) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sii wata fadhiyadii ay ku dhageysanayeen khudbadaha musharixiinta u taagan xilka guddoonka barlamaanka, oo maalintii shalay bilaabatay.
Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in ay dhageystaan khubadaha 12 musharax u taagan xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka.
Waxaa maalintii shalay khudbadahooda jeediyay musharixiinta dooneysa xilka guddoomiyaha iyo ku xigeennada koowaad, kuwaasi oo balanqaadyo kala duwan u sameeyay shacabka haddii guuleystaan.
Ugu danbeyntii, maanta la filayaa in ay soo dhamaadaan guud ahaanba khudbadaha musharixiinta, sida uu ka dhawaajiyay guddoomiyaha gudiga qaban-qaabada doorashada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]