4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2017
Wasiir ka tirsan maamulka K/galbeed oo ugu baaqay gollaha wasiirrada maamulkaas in ay is casilaan

 

Isniin Janaayo, 09, 2017 (HOL) - Wasiirka Diinta iyo Ow-qaafta maamulka gobolleedka K/galbeed Macalin Barre, ayaa ugu baaqay gollaha wasiirrada maamulka in ay is casilaan, isaga oo sharci darro ku tilmaamay musharaxnimada Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Macalin Barre, ayaa sheegay in sharci darro tahay in Shariif Xassan Sheekh Aadan sii ahaado sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha maamulka K/galbeed mar haddii uu ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

‘’Waa arin sharci daro ah, waxaa loo baahan yahay Shariif Xassan Xassan haddii uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha in uu isaga taggo xilka uu ka hayo maamulka K/galbeed’’ ayuu yiri wasiirkan oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.

Gollaha xildhibaannada baarlamanka maamulka K/galbeed ayuu ugu baaqay in ay yeeshaan kulan deg deg ah looga arinsanayo sidii loo heli lahaa hogaan cusub oo badala Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Sidoo kale gollaha wasiirada K/galbeed ayuu ugu baaqay in ay dhamaantood is casilaan, madaama ayuu yiri ay ku fashilmeen shaqadii ay umadda u hayeen.

‘’Dadka waa dhibaateysan yahay, wixii dhaqaalle ahaa ee loogu talagalay in ay wax looga qabto xaalada adag ee deegaannadaas ka jirta, waxaa lagu baabi’inayaan hoteello ‘’ ayuu yiri wasiirka ka tirsan maamulkan K/galbeed.

Ugu danbeyntii, Maamulka K/galbeed ayaa laheyn madaxweyne ku-xigeen sida mamulada kale ee dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]