4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 9 , 2017
Madaxweynihii hore ee Iran Rafsanjani oo geeriyooday

Isniin, Janaayo 09, 2017 [HOL]-Waxaa geeriyooday madaxweynihii hore ee Iran Cali Akbar Hashimi Rafsanjani.

Rafsanjani ayaa jiray 82 sano xalay markii uu dhintay. Rafsanjani ayaa xulafo la ahaa madaxweynaha Iran ee haatan talada dalkaa haya ee Xassan Ruuxaani.

Rafsanjani ayaa waxaa ehelkiisa tacsi u diray hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Ayaatollahi Khamenei iyo masuuliyiin badan oo kale oo reer Iran ah.

Waxaa sidoo kale tacsi u diray ehelkiisa hoggaamiyeyaal badan oo dunida oo dhan  daafaheeda ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]