4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 31, 2017
Musharaxiinta xilka madaxweynaha oo war-murtiyeed ka soo saaray kulan ay galabta ku yeesheen Muqdisho


/images/2017/Jan/

Talaado, Janaayo, 31, 2017 (HOL) –Musharaxiinta ka qayb-galaya doorashada Somalia oo shir ay u dhan-yihiin maanta galinkii danbe ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hor-yimid go'aan ka soo baxay guddiga qaban-qaabada doorashada Somalia.

Kulankan ayey ka sheegeen in aan gabi-ahaan-ba aan la aqbali karin in meesha laga saaro dood-dii loo qorsheeyay musharaxiinta in ay yeeshaan ka hor doorashada weyn ,taasi oo la filayay in maanta ay ka dhacdo magaalada Muqdsiho.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Somalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in  la joojiyay qabashada dood-dii dhex-mari lahayd musharaxiinta ,taasi oo sida la qorsheeyay ka bixi lahayd dhamaan Tv-yada ku hadla Afka Somaliga.

Musharaxiinta ayaa sheegay in guddiga doorashada uusan xaq u lahayn in uu meesha ka saaro wax horey loogu heshiiyay ,isla markaana ay tani tahay mid go'aankeeda ay u taalo barlamaanka Soomaliya.

Kulanka oo ahaa mid ay ku midaysnaayeen musharaxiinta ayaa u soo jeediyay guddiga doorashada in uu ka laabto go'aankan , isla markaana la qabto dood-da musharaxiinta ,iyada oo waliba la casuumayo dhamaan Tv-yada Somalida.

Musharaxiinta iyo guddiga doorashada ayaa horey ugu heshiiyay in dood-dan si live ah looga baahiyo TV-ga qaranka Somalia ,isla markaana ay Tv-yada kale ka sii qaataan ,waxaana sababaha ugu weyn ee baajiyay dood-dii maanta lagu sheegay in ay ahayd khad-ka Internetka oo hawada ka maqnaa.


/images/2017/Jan/
Hadaba musharaxiinta ayaa si wada jir u soo saaray war-murtiyeed ka kooban sedex qodob ka dib markii uu soo dhamaaday kulankooda oo ka dhacay Hotel Jazeera.

1- Waxaa la isla gartay in qaabkii loo maamulay dooda murashaxiinta ay ahayd mid khilaafsan go'aankii Baarlmaaanka. Qabashada dooda waa go'aan ay gaareen labada gole ee Baarlamaanka ,iyagana ayaan bedeli kara. 

2- In xubin gudiga doorashada ka tirsan oo cadaystay taageerada Musharrax Md Xasan Sheikh gudiga laga saaro.

3- In go'aan kasta ee doorashada khuseeya dhinaca amniga, warbaahinta, habraaca iyo maamuskaba oo aan musharraxiinta lagala tashan uu dhaawacayo sharciyada doorashada, go'aan cad-na ay ka qaadan doonaan.

Ugu danbayn,khilaafkan soo kala dhex-galay guddiga doorashada iyo musharaxiinta ayaa la sheegay in uu sababi karo dib u dhac hor leh oo ku yimaaada doorashada madaxweynaha oo loo asteeyay in la qabto 8-da bisha Febraayo. 

Faysal M. Hassan
[email protected]