Talaado, Janaayo, 31, 2017 (HOL) -Saacado kadib marki uu shaqada ka eryey
madaxweyne Trump ku simihii Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka Sally Yates oo u
hogaansami weyday amarka uu Trump kusoo rogay qaxootiga, ayaa haweeneyda
booskeeda lagu bedelay waxay ku amartay Waaxda Cadaaladda Mareykanka inay
difaacaan amarada madaxweynaha.
Trump ayaa si ku meel gaar ah u magacaabay Dana Boente inay noqoto Xeer
Ilaaliye ku meel gaar ah, inta uu Golaha senate-ka si rasmi ah uga aqbalayo
ninka uu Trump u magacaabay xeer ilaaliyaha guud Jeff Sessions.
Xalay ayey aheyd marki uu madaxweyne Trump si deg deg ah xilkii uga qaaday
ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Sally Yates, oo qareenada Waaxda
Caddaaladda u sheegtay inaysan difaacinn go’aanka madaxweynaha.
Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegay in Sally Yates oo
ka tirsanayd maamulkii madaxweyne Obama ay ku gaftay wasaaradda garsoorka ka
dib markii ay diiday inay meel mariso sharci loogu talagalay inuu difaaco dalka
Maraykanka.
Ugu danbeyntii, go’aanka Trump uu dalka Mareykanka kaga mamnuucay
muwaadiniinta dalalka Somalia, Syria, Iran, Yemen, Libya, Sudan iy Iraq ayaa
abuuray carro xooggan, waxaana la filayaa in maxkamad laga diiwaan geliyo codsi
amarkaas looga laabanayo.
Xigasho VOA