4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2017
Guddiga doorashada oo ku dhawaaqay in gabi ahaanba la joojiyay dooddii musharixiinta

Talaado, Janaayo, 31, 2017 (HOL) – Guddiga qabanqaabada musharixiinta xilka madaxweynaha oo goor dhaw shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in gabi ahaanba la joojiyay dooddii musharixiinta oo qorshuhu ahaa in maanta la qabto.

Guddoomiyaha gudiga doorashada doorashada Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo goor dhaw dadka kala hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin marka hore ka bixiyay wax sababay in ay baaqato dooddii maanta qorshuhu ahaa in la qabto.

‘’Sida aan horayba u sheegnay jadwalka doorashadana ku qoran maanta waxey aheyd in la hergaliyo qeyb ka mid ah jadwalka doorashada oo aheyd in musharixiinta dadka hor yimaadaan su’aalo toos ahna la weydiiyo, labo qeybood ayaan u kala qeybinay musharixiinta oo kala ah 12 musharax in gallinka hore ka qeyb-qaataan doodda, halka inta kalana loo qorsheeyay in ay soo xaadiraan galinka danbe, waxaana soo ajiibay oo noo yimid 9 musharax, markii ay doodda wax xooggaa soctay ayaa ogaanay in Internetku laheyn awood uu ku gudbin karo doodda oo loo baahnaa in toos loo tabiyo, waan tan keentay in dooddii halkaa ku baaqato’’ ayuu yiri guddoomiyaha gudiga doraashada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arintan aheyd mid tijaabo ah oo ku cusub marka la eego jadwalka doorashada madaxweynaha, sidaa daraadeed waxaa uu sheegay in ay go’aan ku gaareen gabi ahaanba in la joojiyo doodda oo halkaa lagu hakiyo, madaama ayuu yiri waqtigu aad u kooban yahay.

‘’Arintan markii horeba waxaa ay iska aheyd arin tijaabo ah oo ku cusub jadwalka doorashada, sidaa daraadeed waxaan go’aan ku gaarnay in gabi ahaanba aan halka ku joojino doodda, madaama waqtigu aad ciriiri noogu yahay, dhinaca kalana jadwalku naga qaldamin’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha gudiga doorashada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in musharax walba u furan tahay in uu iska soo duubo muqaal shan daqiiqo ah oo dadka uu kula hadlayo, waxaana uu balanqaaday in muuqaalkaa si toos ah looga sii deynayo TV Qaranka.

Ugu danbeyntii, guddoomiyaha ayaa sheegay in cilada farsamo ee ku dhacday Internetka la oran karin cid gaar ah ayaa ka danbeysay, madaama ayuu yiri gudigu arinta si dhab ah u baareen islamarkaana soo ogaadeen in ay aheyd cilad saameyn ku leh xitaa wadamada dariska ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]