4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2017
Jaamacad-da Carabta oo lacag deeq ah ku wareejisay guddiga Abaaraha Somalia

/images/2017/Jan/

Isniin, Janaayo, 30, 2017 (HOL) –Ururka Jaamacad-da Carabta ayaa lacag dhan $91,835 oo dollarka Maraykanka ah  ugu deeqay Somalia si wax looga qabto abaaraha sii kordhaya ee ka jira qaybo badan oo kamid ah dalka.

Safiirka jaamacad-da Carabta ee Somalia Maxamed Cabdalla Idiris ayaa lacagtan ku wareejiyay ra’iisul-wasaare ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte ka dib kulan dhowr saacadood qaatay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Dowladaha walaalaheena ah ee Carabta waxa aan uga mahad celinayaa sida ay nooga gacansiinayaan wax u qabashada dadka Soomaaliyeed, waa kuwii ugu horeeyay ee ka soo jawaaba baaqii guddiga uu u jeediyay caalamka; marnaba ma hilmaami doono caawinaadooda oo timid waqti loo baahnaa” ayuu Carte.

“Waxa aan idiin cadeeynayaa in lacagtan aan gaarsiin doono dadkeena dhiibaateysan, ma dhici doonto in si kale loo isticmaalo, si banaan-yaal ah ayaana u soo bandhigi doon-naa qaabka iyo nidaamka kharashaadka loo bixiyo”. ayuu mar kale yiri mas'uulkan.

Ugu danbayn, Ra’iisul-wasaare ku xigeenka Somalia ahna gudoomiyaha guddiga abaaraha ee heer Qaran ayaa meesha ka saaray shaki kasta oo laga qabi karo in la musuq-maasuqo lacag-tan oo uu sheegay in kaliya lagu caawin doono dadka ku cayroobay abaarta ka Somalia.

Faysal M. Hassan
[email protected]