4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2017
Taraafikada Muqdisho oo ka cawday dilal ka dhan ah ayaga


Isniin, Janaayo 30, 2017 [HOL]-Taraafikada caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ka cawday dilal ka dhan ah ayaga inta ay kujiraan shaqadooda hagida gawaarida ah.

Waxay sheegeen in dilal iyo dhaawacba loogu geysto waddooyinka ayaga oo sheegay in dabley ay bartilmaansato. Cali Maxamuud Cali waa taliyaha taraafikada Muqdisho.

Wuxuu maantay asagoo la hadlaayay warbaahinta uu sheegay in ciidamada dawladuna dhibaatooyin iyana u geystaan taraafikada.

Wuxuu sheegay in intii uu xilkaa hayay ay ciidamada dawladu dileen 3 taraafiko booliis dhowrna ay dhaawaceen.

'Ayagoo shaqada wada ayaa waxaa dhacda in baabuurta lagu dhufto; in xabbad laisaga leexsho. Waxaa dhacda in hubka laga qaato. Intii hada xilkaan aan hayay waxaa sidaa ku dhintay 3 halka 15 kalena lagu dhaawacay'. Sidaa ayuu yiri Cali Maxamuud Cali.

'Wax la qaadan karo maahan wax qaranimada ka turjumayana maaha. Meel ka dhac ayay taasi ku tahay dadkeena iyo dawladnimadeenaba'. Intaa ayuu raaciyay Cali Maxamuud Cali.

Ciidamada dawlada ayaa lagu eedeeyay sidoo kale inaysan ilaalin sharuucda taraafikada in badan ayagoo seedkooda maahee seed qaldan mara marmar.

Arinkaa aya la sheegay asna inuu keeno in ay isku dhacaan taraafikada oo inay saxaan isku daya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]