4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2017
Xildhibaannada maamulka Hirshabeelle oo eedeyn u jeediyay mas’uuliyiinta sare ee maamulka

Isniin, Janaayo, 30, 2017 (HOL) – Kulan magaalada Jowhar ay ku yeesheen xubno ka tirsan xildhibaannada maamulka Hirshabeelle, ayeey ku eedeeyeen mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka xil gudasho la’aan.

Maqnaanshaha madaxweynaha maamulka, ku-xigeenkiisa iyo guddoonka sare ee baarlamaanka oo dhamaantood ku sugan magaalada Muqdisho ayeey ku tilmaameen xildhibaannada arin baalmarsan sharciga iyo dastuurka dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo sida ay hadalka u dhigeen dhigaya in mar kaliya mas’uuliyiinta ka wada maqnaan karin xarunta maamulka ee magaalada Jowhar.

Laakiin waxaa arintaa beenisay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise oo sheegtay in ay ku simaha u tahay guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha intaba islamarkaana joogto magaalada Jowhar, waxaana ay ugu baaqday xildhibaannada maamulka Hirshabeele ee ku sugan magaalada Muqdisho in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo laabtaan xarunta magaalada ee Jowhar.

‘’Waxaan ku wargalinayaa xildhibaannada sharafta leh ee maamulka Hirshabeelle ee ka maqan magaalada Jowhar in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo laabtaan maalinta Arbacada ah, waxaan aan la hadlayo ee aan fariintan u dirayo waa xildhibaannada ee ma’aha madaxweynaha’’ ayeey tiri Canab Axmed Ciise.

Ugu danbeyntii, dhinaca kale dadka ku dhaqan deegaannada hoostaga gobolka Shabeelle dhexe ayaa ka cabanaya abaar baahsan oo saameyn weyn ku yeelatay nolasha dadka iyo duuniyada, kaddib markii uu gabi ahaanba gurray wabiga shabeelle oo ay ku tiirsanaayeen dadka beeraleyda iyo xoolaha dhaqatada ah ee ku dhaqan deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]