4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2017
Midowga Africa oo dooranaya guddoomiye cusub

Isniin, Janaayo, 30, 2017 (HOL) – Kulan la filayo in maanta oo Isniin ah magaalada Addis Ababa uga furmo madaxda urur midowga Africa ayaa lagu waddaa in lagu doorto guddoomiye cusub.

Musharixiinta ilaa iyo hadda u taagan ama u tartamaya xilkan ayaa waxa ay kala yihiin Amina Maxamed oo ah wasiirka arrimaha dibbada Kenya, Pelonomi Venson Moitoi oo ah wasiirka arrimaha dibadda Butswana, Agapito Mba Mokuy oo ka socda Equatorial Guinea, Abdoulaye Bathily oo ka socda dalka Senegal iyo Moussa Faki Mahamat oo ka socda Chat.

Musharax kasta oo ka mid ah 5-ta tartame, waxaa wareegga kuwaad laga rabaa 11 cod, iyadoo Musharaxii hela codadka ugu hooseeya wareegga koowaad uu ka haraayo doorashada.

Tartankii ugu dambeeyay waxaa la isla gaaray wareeggii saddexaad, waxanaa ku tartamay Jean Ping oo u dhashay Gabon iyo Dr Dlamini-Zuma oo u dhalatay Koonfur Afrika hadana uu xilka ka dhamaaday.

Musharaxa kaliya ee ka socota Bariga Afrika waa Amina Maxamed, haddii ay ku guuleysatana waxaa ay ka dhigan tahay in qofkii ugu horeeyay ee ka socda Bariga Afrika uu xilka guddoomiyaha midowga Afrika qabto taariikha Ururka.

Sidoo kale waxaa jiri doona doorashooyin kale oo la xiriira xilalka Midowga Afrika, waxaana ka mid ah xilalka loo tartamayo kursiga nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika iyo madaxa siyaasadda ee Midowga Afrika, kuwaasi oo ay u tartamayaan xubno ka soo jeeda dalal kala duwan oo Midowga Afrika ka tirsan.

Ugu danbeyntii, doorashadan ayaa waxa ay ka dhici doontaa Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, sida ay horey u sheegeen guddiga qaban qaabada doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]