4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2017
Kala bar qarashka laga uruuriyay murashaxiinta xilka madaxweynaha oo wax looga qabanayo abaarta

 

Isniin, Janaayo 30, 2017 [HOL]-Kala bar qarashka laga uruuriyay murashaxiinta xilka madaxweynaha ayaa wax looga qabanayaa abaarta ayadoo lasiinayo qarashkaa guddiga wax ka qabashada abaarta ba'an  ee Soomaaliya iminka ka jirta.

Shalay ayay ku ekeyd waqtigii ugu dambeeyay diiwaan galinta murashaxiinta xilkaa madaxweynaha waxaana ilaa iyo shalay markii la yiri waa lasoo xiray diiwaan galinta is diiwaan gashay dowr iyo labaatan murashax.

Gaar ahaan 24 ayaa shalay la diiwaan gashay abbaare 5tii iyo bar galabnimo waqtiga dhanka bari ee qaaradaan Afrika.

Qarashka la uruurshay oo dhan $ 720 kun ayaa 50% waxaa loogu tabarucayaa guddiga abaaraha. Murashax kasta oo isdiiwaan gashay ayaa laga qaaday 30kun oo doolarka Mareykanka ah.

Doorashadii madaxweynenimo ee tan ka horeysay ee sanadkii 2012 ayaa waxaa laga qaadayay murashaxiinta 10 kun oo doolar oo qura iminka ayaana sida xisaabaadkaa ka muuqata la saddex jibbaaray qarashka xaqul doorashada.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada madaxweynenimo ayaa dhowr jeer dib loo dhigay iminkase markii ugu dambeysay waxaa loo qabtay 8da bisha 2aad ee sanadkaan 2017 inay dhacdo.

Dadka Soomaaliya ayaa aad u eegaya bal inay mar kale dib dhacdo kana walaacsan iyo in waqtigaan laga dhabeeyo oo lagu adkeysto doorashada iyo xamaasadeedana mar qura la arko dhinaca ay u dhacdo.

8da bisha 2aad ayaa ku beegan lix bilood oo dhan ka dib waqtigii markii hore loo qabtay in doorashadaasi dhacdo.

Bishii Agoosto ee kal hore ayaa lagu waday in doorashadaasi dhacdo.

Dhawaan ayaa beesha caalamku ay bayaan ku muujisay walaaca daahinta doorashada xilka madaxweynaha ay ka qabto iyo sida loo doonayo in la dadajiyo doorashadaa oo aysan mar kale u dib dhicin.

Waxay kaloo bayaankaa ku xustay ahmiyada ay leedahay in doorashadaasi noqoto mid xor ah oo xaq ah isla markaana ka hufan musuq iwm.

Guud ahaan 329 xildhibaan ayaa dooran doona madaxweynaha.

Murashaxa ayaa guuleysanaya hadii uu helo 3 meelood 2 meel [2/3 codadka oo u dhigma inay u codeeyaan 219 xildhibaan] wareegga 1aad inkastoo dad badan oo siyaasada u dhuun duleela ay sheegeen inay adag tahay in arintaasi dhacdo.

Waxaa marka aan la hureyn hadii taasi dhici weydo in loo kaco wareeg 2aad iyo mid 3aad.  

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]