4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 29, 2017
Amniga doorashada madaxweynaha oo laga wada hadlay

 

Axad,  Janaayo, 29, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Max’ed Cumar Carte  ayaa gudoomiyay shira looga hadlayay sugida amniga doorashada madaxweynaha ee la filayo in ay dhawaan dalka ka dhacdo.

Shirka waxaa ka qeyb-gallay wasiiradda cadaallada iyo Amniga, guddiga baarlamaanka u qaabilsan doorashada madaxweynaha, taliyaayasha ciidamadaa  qalabka sida, ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, iyo taliyaha ciidamada AMISOM.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa Saraakiisha uga mahadceliyay sida ay uga soo shaqeeyeen sugida amniga doorashooyiinkii labada aqal ee dalka ka dhacday, dhinaca kalana sheegay in la sii wado wada shaqeynta joogtada ah ee dhexmarta ciidamada Qaranka iyo AMISOM.

“Hawl muhiim u ah Soomaaliya ayaad qabateen dhamaantiin oo dalka u soo hoysay amaan; waxa loo baahanyahay in aad sii laba laabtaan wadashaqeynta idinka dhaxeysa si la isaga kaashado ka hortaga cadowga”.

Max’ed Cumar Carte ayaa Saraakiisha kala hadlay sugida amniga musharixiinta iyo goobta doorashada ay ka dhaceyso.

“Waxaa idinku waajiba feejignaan dheeri ah si aad u sugtaan amniga Musharixiinta iyo goobta doorashada lagu qabanayo taasoo aan idinku boorinayo in aad uga soo dhalaashaan si wanaagsan”.

Ugu danbeyntii ra’iisal wasaar wasaare ku-xigeenkaayaa hadalkiisa ku soo gebagabeeyay baaq uu u diray shacbiga Soomaaliyeed oo uu kaga codsaday in ay ciidamada amniga la shaqeeyaan si doorashada madaxweynaha ay ugu qabsoonto si nabad ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]