Axad, Janaayo, 29,
2017 (HOL) – Ciidamada dowladda ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen magaalada
Beledweyne, waxaa ku qabteen siddeed ruux oo ay ka mid ah tahay haweeney, kuwaa
loo soo qabtay tuhun la xiriira dilkii ganacsade Muumin Dheere.
Taliyaha qeybta booliiska degmada Beledweyne Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la soo xirxiray lagu tuhusan yahay in ay qeyb ka ahaayeen dilkii loogu geystay ganacsadaha islamarkaana la baarayo.
‘’Ciidamada markiiba howlgal ayeey sameeyeen natiijada howlgalka ayaa noqontay in la soo xiro saddeed ruux oo lagu tuhusan yahay in ay ku lug lahaayeen dilka, laakiin baaritaan ayaa dadkaa ku socda, wixii ka soo baxa baaritaanka ayaan xukumin doonnaa’’ ayuu yiri taliyaha.
Ganacsadaha ayaa waxaa toogasho ku dilay rag bastoolado ku hubeysan xili uu ka soo baxay mid ka mid ah Makhaayadaha magaalada Beledweyne.
Marxuumka la dilay ayaa waayadii ugu danbeeyay ku howlanaa dhismaha saldhiga booliiska degmada Beledweyne oo dib u dayactir lagu sameynayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]