4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2017
Xildhibaannada Galmudug oo la kulmay xubno ka tirsan beesha calaamka

Axad, Janaayo, 29, 2017 (HOL) – Waxaa magaalada Muqdisho ku sugan xubno ka tirsan xildhibaannada dowlad gobolleedka Galmudug ee kalsoonida kala noqday madaxweyne Galmudug Cabdikariin Xusseen Guulleed, waxaan xubnaha wafdiga xildhibaannada hogaaminaya guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee baarlamaanka Xareed Cali Xareed.

Xildhibaanada qaarkood ayaa waxay magaalada Muqdisho kula hadleen xubnaha beesha caalamka, waxaana labadii maalin ee lasoo dhaafay kulamo kala duwan ay ka dhacayeen magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka xildhibaanada oo uu horkacayo Xareed Cali Xareed guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug inuu kusoo dhamaaday is afgarad.

Warar ka soo baxaya kulanka labada dhinac ayaa sheegaya in beesha caalamka ay u soo jeedisay xildhibaanada Galmudug in ay dib u dhigaan doorashada madaxweynaha Galmudug ee ay iclaamiyeen , maadaama ay ku aadan tahay doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xildhibaannada kulanka la qaatay xubnaha beesha caalamka ayaa warbaahinta u sheegay in dhamaan qodobadii ay ka wada hadlleen isku afgarteen labada dhinac.

Ugu danbeyntii, wali waxaa taagan xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay kalsooni kala noqoshada madaxweynaha Galmudug oo sanadkii hore qaar ka mid ah xildhibaannada uga dhawaaqeen magaalada Cadaado.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]