4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2017
Doorasho lagu wado in ay maanta ka dhacdo magaalada Muqdisho

Axad, Janaayo, 29, 2017 (HOL) – Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay maanta ka dhacdo doorashada xildhibaannada gobollaha shacabka ee ka imanaya gollaha waqooyi Soomaalilnad.

Doorashadan ayaa lagu tartami doonaa hal kursi oo kaliya, kaasoo noqonaya kursigii ugu danbeeyay ee gollaha shacabka beellaha gobollada waqooyi, madaama horay inta badan xildhibaannada gobolladaas loo soo doortay.

Kursigan maanta ayaa waxaa ku tartamaya labo dumar ah, kuwaas oo aysan guddigu magacyadooda ku shaacin barta Twitter-ka ee ay warkan ku soo qoreen.

Ugu danbeyntii, marka la soo dhameystiro maanta doorashada gollaha shacabka ee Soomaaliland ayaa waxaa la shaacin doonaa waqtiga ay dhaceysa dib u soo doorashada 5 kursi oo guddiga xaldinta khilaafaadka ay sheegeen in ay ku soo baxeen  hab musuq maasuq ku dhisan, waxaaana xildhibaannada laga soo dooran doonaa dhamaanba xarumaha dowlad gobolleedyada oo mid hal xildhibaan dib loogu celiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]