4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 29, 2017
Salaad roob doon ah oo maanta la filayo in lagu tukado Nairobi Kenya

 

Axad, Janaayo 29, 2017 [HOL]-Ayadoo meelo badan oo mandaqadaan bariga iyo geeska Afrika ah ay ka jidho abaar ba'an ayaa maanta waxaa lagu wadaa salaad roob doon ah in lagu tukado Nairobi Kenya.

Salaada roob doonka ah ayaa waxaa lagu wadaa in lagu tukado saacadaha soo socda garoonka cayaaraha ee Sir Ali Muslim.

Nairobi oo caadiyan awal looga bartay jawi qabow ayaa waxaa maalmahaan ka jiray kuleyl ba'an oo maalinkii ah iyo saacadaha qaar habeynkii. Salaada ayaa waxaa isugu soo baxaya Muslimiin badan oo ku nool xaafadaha qaar caasimada Kenya ee Nairobi kuwaaso culimaau-diin ay hor kacayaan.

Dadkaa ayaa salaada ka hor iyo ka diba waxaa la filayaa inay u duceeyaan dadka kunool meelaha ay abaartu aadka u saamaysay.

Abaar ba'an oo dad iyo duunyaba saameysay ayaa iminka ka taagan dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]