4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 28, 2017
Ganacsade caan ah oo goor dhaw lagu dilay magaalada Beledweyne

Sabti, Jaanyo, 28, 2017 (HOL) – Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhaw ku toogtay magaalada Beledweyne alle ha u naxariisteen Muumin Cabdulle Daqar [Muumin Dheere ] oo ka mid ahaa ganacsatada waaweyn ee magaalada Beledweyne.

Rag dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan ayaa sida dad goob joogayaal ah sheegeen toogtay marxuumka xili uu ku sugnaa Maqaayad lagu magacaabo Goodir oo kutaala Waaxda Cilmi loos oo katirsan Xaafada Kooshin ee magaalada Baladweyne.

Ciidamada amaanka magaalada Baladweyne ayaa dilka kadib soo gaaray xaafada Kooshin gaar ahaan halka uu dilku ka dhacay, waxaa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo, laakiin ma jirto cid ilaa iyo hadda dilka loo qabtay.

Ugu danbeyntii, lama oga sababaha dilka ganacsadahan oo siweyn looga garanayo guud ahaanba gobolka Hiiraan, mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay dilkiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]