Sabti, Janaayo, 28, 2017 (HOL) –Xarunta Villa Hargeysa waxaa siweyn uga soctay diiwaangalinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha, waxaana ilaa iyo hadda la diiwaangaliyay 12 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Maalinta beri ah ayaa la filayaa galinka danbe in la soo gabagabeeyo diiwaangalinta musharixiinta xilka madaxweynaha sida ku qoran jadwalka doorashada ay soo saareen gudiga qaban-qaabada.
Musharixiinta iliaa iyo hadda is diiwaangaliyay ayaa waxaa ka mid ah :
Guddiga doorashada madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in isdiwaan gelinta Musharaxiinta ay u socoto si wanaagsan, islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in lagu soo gaba gabeeyo waqtigii loogu tala galay oo ah maalinta beri ah .