4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 28, 2017
Ciidamada dowadda oo qorsheynaya guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab

Sabti, Janaayo, 28, 2017 (HOL) – Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in ay isku diyaarinayaan weerar culus oo ka dhan ah deegaannada Al-shabaab ay gacanta ku hayaan ee gobolka Gedo.

Faarax Max’ed Turbac oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in militariga ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo dajiyeen qorshayaal ka dhan ah Al-shabaab oo la doonayo in looga sifeeyo sida uu hadalka u dhigay deegaannada ay ka joogaan gobolka Gedo.

‘’Deegaannada hadda nagu hareereysan ilaa 40km ciidamadeena waa ay tagaan mana aragno, laakiin waxaa jira deegaannada sii fog oo isla gobolka ka tirsan oo saldhigyo ay ku leeyihiin halkaasoo ay ka soo abaabulaan weerarada, sidaa daraadeed saldhigyadaa ayaa rabaa in aan ku weerarno ayuu yiri’’ sarkaalka u hadlay ciidamada dowladda ee gobolka Gedo.

Al-shabaab ayaa wali ku xoogan islamarkaana howlgalo ka sameeya deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah deegaannada ay sida weyn Al-shabaab uga abaabulaan weerarada ka dhanka ah ciidammada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Afri ca AMISOM ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, hadalkan ka soo yeeray saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa imanaya xili weerarkii ugu danbeeyay Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubbada hoose iyaga oo halkaa ku dilay tiro wali aan si rasmi ah loo cadeyn oo ka tirsanaa askarta Kenya ee qeybta ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]