4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2017
Ururka midowga Africa oo ka hadlay weeraradii ugu danbeeyay ee hoteel Dayax iyo Kulbiyoow

Sabti, Janaayo, 28, 2017 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Sare ee midowga Afrika Haweeneyda lagu magacaabo Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa waxaa ay ka hadashay weerarada Al-shabaab ay ka geystaan Soomaaliya, gaar ahaan midkii ugu dambeeyay ee Hoteelka Dayax ka dhacay.

Dlamini-Zuma ayaa sheegtay subaxnimadii hore ee Jimcihii ee shalay in ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya weerar ay Al-shabaab ku soo qaadeen ay iska difaaceen, maadaama Ciidamada ay xog badan ka hayeen weerarka.

Waxaa ay sheegtay haddii ay yihiin Midowga Africa in ay cambaareynayaan qaraxaasi, iyadoo ciidamada AMISOM ugu baaqday in ay xoojiyaan dagaalka Al-shabaab lagula jiro, si Soomaaliya nabad looga dhigo.

Sidoo kale Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika ayaa Ciidamada AMISOM ka dalbatay in ay ka jawaabaan weerarkii Al-shabaab ay shalay aroortii hore ku qaadeen deegaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose.

Ugu danbeyntii, warka Al-shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayeey ku sheegteen dagaalkii Kulbiyow in ay ku dileen 57 askari oo Kenyan, halka wasaarada Difaaca Dalka Kenya ay sheegtay in dagaalkaasi ay ku dishay 70 Al-shabaab ka tirsan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]