4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 28, 2017
Keating: Doorashada madaxweynuhu waa inay waqtigii loo qabtay dhacdo

Sabti, Janaayo 28, 2017 [HOL]-Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in loo baahan yahay in doorashada madaxweynuhu dhacdo waqtigii loo cayimay ugu dambeyntii.

Waqtigaa ayaa ah bisha soo socota 8deeda.  Wuxuu shalay sheegay Keating in ahmiyada dagdagga ahi tahay xaqiijinta in doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ay ku dhacdo waqtigii loo qabtay walow al-Shabaab ay isku dayayso inay doorashadaa carqaladeyso.

Asbuucii lasoo dhaafay xarakada al-Shabaab waxay weerartay Hotel Dayah oo kuyaala Muqdisho shalayna xero KDF ay ku leeyihiin Kulbiyow.

Weerarkii Hotel Dayah waxaa ku dhintay ilaa dhowr iyo labaatan qof halka weerarkii Kulbiyowna tirada laisku hayo u dhexeyso 9 ilaa tobanaan qof.

Asbuucii la soo dhaafay wuxuu Keating xarunta QM ee New York sidoo kale ka sheegay in doorashada madaxweynenimo loo baahan yahay inay u dhacdo si hufan oo xaq iyo xor ah.

Horay ayaa doorashada Soomaaliya waxaa dib loo dhigay dhowr jeer. Daahitaanka doorashada madaxweynenimo ayaa walaac ku abuudhay beesha caalamka.

Dalka Soomaaliya ayaa la doonayaa in dib loo dhiso tartiibtartiib sida beesha caalamku sheegayso kadib dagaal soo bilowday 1991 oo daba dheeraaday.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]