4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 28, 2017
Dib u eegida barnaamijka dib u dajinta qaxootiga ee Mareykanka 2017

Sabti, Janaayo 28, 2017 [HOL]-Bayaan shalay kasoo baxay dawlada Mareykanka ayaa looga dalbay wasiirka arimaha dibada ee dalkaa inuu kusoo afjaro barnaamijka dib u dajinta qaxootiga ee Mareykanka muddo 120 cisho ah gudaheed.

Mudadaa ayaa wasiirka arimaha dibada iyo wasiirka arimaha gudaha ee dalkaa waxaa laga doonayaa inay dib u eegis ku sameeyaan barnaamijkaa [USRAP]. Dib u eegidaa ayaa lagu xaqiijinayaa in dadka la aqbali doono inay soo galaan ee qaxootiga ah aysan Mareykanka khatar ku ahayn.

Qaxootigii horay ugu jiray barnaamijkaa ayaa hase ahaatee laga yaabaa in loo ogolaado inay galaan Mareykanka kadib markii hannaankaa la mariyo.

Waxaa dib u eegida laga yaabaa in natiijada ka dhalata ay noqoto in hannaan kale lagu daro oo dheeraad ah barnaamijkaa si dadka lagu keenayo barnaamijkaa aysan u noqon kuwo khatar ku keena Mareykanka iyo danihiisa waa sida hadalka loo dhigay.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in lagu soo daro ahmiyado lagu kala hormarsiinayo sheegashooyinka lagu doonayo dib u dajinta Mareykanka sida takoor diin ku salaysan, ayadoo la eegayo waliba in qofka arinkaa dib u dajinta lagu siinayo uu yahay qof  haysta diin dad tiro yar ay ku dhaqmaan gudaha  wadankiisa.

Hadii ay munaasab tahay waxaa wasiirka arimaha guduhu kala tashanayaa arimahaa madaxweynaha si madaxweynuhu gacan uga geysto kala hormarinta ahmiyadaha.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]