4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 28, 2017
Buug-ga Habeen-Eersi oo lagu soo Bandhigay Magaalada Bosaaso (Sawirro)

Sabti, Janaayo, 28, 2017 (HOL) –Munaasabad-dan oo ahayd mid lagu soo bandhigyay Buug-ga Habeen-Eersi ayaa ka dhacday hoolka Shirarka ee AMAL Plaza ee magaalada Bosaaso ,waxaana ka soo qayb-galay dad weyne fara badan oo ay ku jiraan Qalin-layda Puntland.

Waxaa sidoo kale munaasabad-da joogay qaar kamid ah abwaanada ugu caansan gobolka Bari , Aqoon-yahano ,xubno ka tirsan dowlad-da iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay in ay goob-joog ka noqdaan soo bandhigid-da Habeen- Eersi

Abwaan Maxamed Yaasin oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dumarka Somaliyeed ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan kobcinta sugaanta Soomaaliyeed ,isaga oo Qoraaga Buug-ga uga mahad-celiyay qorsita Habeen-Eersi oo uu ku tilmaamay in uu kamid yihin kuwii ugu wanaagsanaa ee sanadahan la qoro.

“Suugaanta Somaliyeed waxa ay soo martay marxalado kala duwan ,waxa ugu haboon ee lagu cabiri karana waa qoraal ,marka waxaan ku boorinayaa Qoraa Dayax in ay laba-jibaarto kaalinta ay kaga jirto dhanka wax qorista “ ayuu yiri Abwaanka oo goobta ka tiriyay gabay uu kaga hadlayay ahmiyad-da Dumarka.

Buug-gan oo ay qortay Dayax Axmed Iley oo kamid ah gabdhaha Dhalinyarada ah ee wax ku qora afka Soomaaliga ayaa buug-geeda diirad-da ku saartay sheeko xiisa badan oo dhex-martay wiil iyo gabar wadaagay Hasaawe aan guulaysan ,kaasi oo gaba-gabada ku dhamanaya tiiraanyo iyo xanuun sababay geerida gabadha laga qoray Buug-ga oo lagu magacaabo Ubax.

“Ujeedka aan Buug-gan u qoray waxa ay ahayd in aan bulshada ku soo kordhiyo wixii aan awood-do ,runtiina wax weyn ayey ii tahay in halkan wada joogno si aad uga mid noqotaan boqolaalka qof ee buug-gan nasiibka u yeeshay “ ayey tiri Dayax Axmed oo la hadashay dadkii munaasabad-da ka soo qayb-galay.

“Waxaan buug-gan ugu tala-galay in aan ku baraarujiyo gabdhaha Somaliyeed oo in badan oo kamid ku kadsoomay jacaylka ka horeeya guurka “ ayey mar kale tiri Dayax oo bulshada Somaliyeed ugu baaqday in ay wax akhriska xoog-ga saaran.

Ugu danbayn ,dadkii ka soo qayb-galay oo ay ku jiraan xubno ka socday dhanka dowladda iyo dhalinyaro badan ayaa goobta ku iibsaday Buug-ga Habeen-Eersi oo horey  loogu soo bandhigay magaalooyin badan oo ku yaala Somalia.

Faysal M. Hassan
[email protected]