4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2017
Kooxda Daacish oo Rakaab ay ku jiraan Askar ka Afduubtay inta u dhaxeysa Bosaaso iyo Qandala

/images/2017/Jan/

Sawirka: Qaar kamid ah Ciidamada Puntland oo gudaha u galay Qandala ka dib ka bixintaankii Daacish.


Sabti, Janaayo, 28, 2017 (HOL) –Kooxo ka tirsan ururka Daacish ee ku sugan gobolka Bari ayaa lagu soo waramayaa in dad gaarayaa 13 qof ay ka afduubteen jidka u dhaxeeya magaalada Bosaso iyo Qandala sida laga soo xigtay dad –goob-joogayaal ah.

Dadkan ay afduubteen Daacish ayaa waxaa ku jiray askar ka tirsan ciidamada Puntland ,kuwaasi oo ka soo laabtay Qandala oo markii hore loo geeyay arimo la xiriira dagaalka ka dhanka ah kooxda ISIL oo fariisan ku lahayd degmadaas..

“Walaal gaariga waxaa saarnaa rakaab gaaraya 16 Qof , kaliya waxa ay sii daayeen darawalkii iyo qof dumar ah iyo ilma yar oo  ay wadatay “ ayuu yiri goob-jooge dalbaday in aan la magacaabin, kaasi oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Ilaa iyo had-da lama ogo halka lala aaday dadka la afduubtay oo sidoo ay ku jiraan odayaal dadka deegaanka ah , waxaana afduubkooda uu imaanaya xilli ay degmada Qandala ku sugan-yihiin ciidamo badan oo ka tirsan Puntland.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa dhawaan booqasho uu ku tagay degmada Qandala sheegay in kooxda Daacish dagaal adag lala gali doono tan iyo inta laga saarayo goobaha ay kaga sugan-yihiin gobolka.

Ugu danbayn ,ma jiro waxa hadal ah oo ka soo  baxay maamulka dowladda oo ku aadan soo furashada dadka la qabsaday ,waxaana maalmihii la soo dhaafay jiray xiisado u dhaxeeya Puntland iyo Daacish oo ka taagnaa qaybo kamid ah deegaanada hoostaga Qandala.  

Hiiraan Online News Desk