4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 28, 2017
IGAD oo ka digtay weerarada dagaalamayaasha Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya

Sabti, Janaayo, 28, 2017 (HOL) - Urur goboleedka IGAD ayaa digniin kasoo saaray weerarada Al-shabaab ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya, iyaga oo ka hadlay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Hotel Dayax.

War Qoraal ah oo ka soo baxay IGAD ayaa lagu cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhacay hotel Dayax ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka IGAD waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay maleegayaan weeraro ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya, balse loo baahan yahay in feejignaan dheeri ah laga galo weerarada.

“Waxaan ka digeynaa weerarada Al-shabaab, ciidamada dowladda federaalkaa iyo kuwa AMISOM mar walba waxaa looga baahan yahay in ay sugaan amniga, si looga hortago weerarada Dhagar qabayaasha ayaa lagu yiri.” ayaa lagu yiri qoraalka ah ee ka soo baxay IGAD.

Ugu danbeyntii, IGAD ayaa qoraalka ku sheegtay in ay kordhin doonaan taageeraada ay siinayaan dowladda Soomaaliya, si looga guuleysto amni darada dalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa imanaya xili xoogagga Al-shabaab kordhinayaan weerarada ka dhanka ah xarumaha dowladda federaalka iyo AMISOM, waxaana weeraradan ugu danbeeyay kii maalintii shalay lagu qaaday saldhiga militari ee ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Kulbiyoow oo ilaa iyo hadda leysku khilaafsan yahay tirada askarta ku dhimtay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]