AMISOM oo dalbatay ciidamo dheeraad ah si loo sii xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
Sabti, Janaayo, 28, 2017 (HOL) -Guddiga isku xirka howlgalka militari ee
AMISOM ayaa shirkoodii 22 aas ee ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa
waxaa ay ku dalbadeen in 4,000 ciidamaddo dheerad ah lagu soo kordhiyo howlgalka
AMISOM.
Kulanka waxaa lagu adkeeyay in QM iyo beesha caalamka ay si deg deg ah u taageeraan
ciidamada dheeraadka ah si loo kordhiyo awooddda
ciidamadda dib na loola wareego meelihii horay ay Al-shabaab ula waregeen.
Waxaa ay sidoo kale weeydiisteen QM iyo beesha caalamka in ay in ay ka taageeraan
dhinaca Saanadda gaar ahaan raashainka iyo daawadda si waqtiga yare e dhiman
loo kordhiyo weeradda islamarkaana loo soo gabangabeeyo joogitaanka AMISOM ee
Soomaaliya.
Guddoga isku xirka hoowlgalka AMISOM ka sokoow dalabka deg-degga ah 4000 ee
Askari waxaa ay Sidoo kale isku raaceen in guddiga midowga Africa uu isugu yimaado
magaladda Addis Ababa ee caasiamadda Itoobiya kualan qorsheeyn ah horaanta
bisha soo socta ee Febaraayo si loo soo gaban gabeeyo qorshaha isku xirka balaarinta
howlagalka dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab.
War ay soo saareen guddigaan oo magacooda loo soo gaabiyo MOCC ayey shaaca uga qaadeen
muhiimadda ay ledahay in la tageero ciidamadda doowladda Soomaaliya, gaar
ahaan in loo diyaariyo balaarrinta dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.
Kulanka Howlgalka AMISOM uu ku dalbaday ciidamadda dheeriga ah oo ka dhacay
Addis Ababa waxaa goob jog ka ahaa dhamaan taliye-yaasha ciidamadda wadamadda
Ka qeyb qaadanaya howlaglaka waxaa ayna qireen baahidda Howlgalku uu uqabo 4000
ciidamo dheeri ah.