Xukuumadda iyo Shirkadda TELESOM isku afgartay fulinta go’aamaddii madaxweynaha Soomaaliland
Sabti,
Janaayo ,28, 2017 (HOL)- kulan ay ku kala garnaqsanayeen guddidii madaxweynuhu
u magacaabay qiimo u yeelida shilingka Somaliland iyo madaxda shirkadda TELESOM
ayaa saacaddo badan ku qaatay xarunta madaxtooyadda sida uga doodayeen fulinta
go’aamaddii xukuumadda ka soo baxay.
Labadda
dhinac ayaa markii dambe isku afgartay laba qodob oo ah in la fuliyo
go’aaamaddii iyo in farsamo ahaan 48 saacadood ee loo qabtay nidaam ka saaridda
boqol doolar wiixi ka yar aanay ku filnayn.
Kulankan
garnaqsiga waxa xalay markii uu soo dhamaaday ka hadlay wasiirka madaxtooyadda
Maxamuud Xaashi iyo gudoomiyaha guud ee shirkadda TELESOM Cabdikariim Maxamed
IID.
Ugu
horeyn wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo ka hadlaya wixii ay isku
afgarteen waxa uu yidhi “Waxaanu kulanay Guddigii qiimo u yeeladda
shilling Somaliland madaxweynuhu u xil saaray iyo madaxda Telesom,
waxaanay ahayd ujeedadiisu in aanu ka wada hadlno dhaqangalintii go’aamaddii
xukuumadu soo saartay,ee salka ku hayey sidii loola dagaalami lahaa qiimo dhaca
shilling Somaliland, oo baryahan dambe dhawaac wayni gaadhay, xukuumadda
taladda haysaana waxa ku waajib ah inay ka shaqayso sidii ay u kobci lahayd
lacagtu, qiimana u yeelan lahayd”
Wasiirku
isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “waxa kamid ahaa qodobadda soo baxay
adeegyadda Edahab iyo Zaad laga saaro boqol doolar wixii ka yar oo ah
laba numbar wixii ka yar ku iibsigoodda, adeegga Zaad iyo Edahab dawladdu ma
xidhin, shirkadaha dahabshiil iyo Telesom waa shirkadihii ugu waaweynaa
wadanka, masuuliyad ayaa xukuumad ahaan naga saaran ilaalintoodda iyo
korintooddaba, iyaga masuuliyad weyn baa ka saaran inay ilaaliyaan qarankoodda
iyo sumcadiisa, labadda adeeg wixii boqol dolar ka weyn lama xidhin, sidoodii
ayey u shaqaynayaan, laakiin wixii boqol dolar ka yar uun baa laga saaraya oo
waxa halkoodii galaya shilingka Somaliland, nuxurka ugu weyni waxay ahayd in
Shiling Somaliland inay hesho fakaag ay ku socoto, inay muhiimada ay
adeegyadaasi inoogu fadhiyaan garwaaqsan, ayaanan wada xidhin, shirkada TELESOM
madaxdooda halkan baanu ku kulanay, waxaanu in badan ka wada hadlaynay sidii
go’aankaasi loo fulin lahaa, waxay ka cawdeen waxani inuu yahay system wakhti
dheer lagu sameeyey u baahan wakhti, sidii looga saari lahaa systamkaasi, waxa
kale oo noo soo bandhigeen in xilli abaareed lagu jiro dad badan oo muwaadiniin
ahi ay Zaadadka lacag ku haystaan, goobo wax kala baxaan ka fog, qaarkood xadka
ka talaabeen, waxay noo soo gudbiyeen in farsamo ahaan arintaasi adag tahay”
Labadda
dhinac waxay isku raaceen, waxay tahay “waxaanu isku raacnay laba qodob, in
go’aamadii xukuumadda la meel mariyo oo la fuliyo, shirkadda TELESOM ogolaaday
in go’aankaasi la fuliyo, waxa kale oo aan garwaaqsanay cabatinkoodii shirkada
TELESOM ee ahaa in 48 saacadood ee aanu u qabanay farsamo ahaan ku yar
yahay inay systamkaasi bedelaan, waxaanu isla qaadanay in guddi farsamo
qabsanno oo nagala talisa xukuumad ahaan xiliga ugu haboon wakhtiga la
jaangoynayo in systaamkaasi laga saari karo boqolka dollar wax ka yar, iyago
qoraal ay noo akhriyeen ayey noo keeni doonaan, anaguna guddida madax banaan
baanu xukuumad ahaan la tashanaynaa, wakhtiga laga saari karo systamkaasi,
marka waxaanu cadaynaynaa in shirkadad TELESOM isla qaadanay in la fuliyo
go’aankaasi anaguna ka garwaaqsanay in wakhtigu ku yar yahay oo iskula soo
noqon doono wakhtiga ku haboon ee systamkaasi laga saari karo. Waxa kale oo aan
halkan ka sheegaya in shirkadda DAHABSHIIL waraaq noo soo qortay ay ku
cadaynayso inay fulinayaan go’aankaasi oo ay qaateen”
Dhinaca
kale, shirkada TELESOM oo uu hadlay maareeyaha guud ee shirkadda Cabdikariin
Maxamed Iiid waxaanu yidhi “waxaanu galabta ilaa caawa (xalay) wada fadhinay
guddidii uu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo u magacaabay wax ka
qabadka sicir bararka shilling Somaliland, wada hadal dheer, garowshiiyo dhinac
walba ka yimid, waxaanu aad iyo aad ugu mahad celinaynaa gudida uu horseedka u
yahay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu isla qaadanay in
shirkad ahaan soo dhoweyno go’aankaasi xukuumadda ka soo baxay, arrintu arrin
farsamo ayey u baahatay, waxaanu isla qaadanay in farsamo ahaan la isla eego,
waxaan macaamiishayadda u sheegayna in adeegii wax isbedel ahi aanu jirin,
waxaana guddida farsamo ee xukuumaddu soo magacaabi doonto wada shaqayn fiican
la yeelan doonno.”