4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 28, 2017
Kenya oo sheegtay in Sagaal askari oo kaliya looga dilay weerarkii Kulbiyoow

Sabti, Janaayo, 28, 2017 (HOL) –Wasaarada difaaca dowladda Kenya ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay waxaa lagu sheegay in weerarkii Al-Shabab ku qaaday saldhig militari oo ciidamadooda ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyoow ay ku dhinteen sagaal ka tirsan askarta Kenya.

Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka ka soo baxay Kenya lagu sheegay in weerarkaa lagu dhaawacay 15 askari oo ka mid ahaa ciidamadii ku sugnaa saldhiga.

Hassa ahaatee Al-shabaab ayaa dhinacooda sheegtay in ay in ay dileen 67 askari oo ka tirsan Kenya. Hase yeeshee dawladda Kenya ayaa iyaduna dhinaceeda sheegatay in 70 maleeshiyada Al-Shabab ah ay ku dishay weerarkaasi.

Kenya waxay beenisay in saldhiggu uu ka baxay gacanta ciidamadooda, waxayna sheegeen inay iska difaaceen weerarka.

Dadka degaanka ayaa sheegay in saacadihii hore ee shalay oo Jimco aheyd Al-shabaab la wareegeen gacan ku heynta saldhiga.

Ugu danbeyntii, weerarka ayaa marka laga soo tago dhinacyadii dagaalamay sidoo kale waxaa ku dhitay dadka shacab ah oo uu ka mid ahaa guddoomiyihii degaanka Kulbiyow Maxamed Tooxyare Nuuh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]