4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 28, 2017
Daaweyn lacag la'aan ah oo maanta ka socota xaafada Islii ee Nairobi



Sabti, Janaayo 28, 2017 [HOL]-Daaweyn lacag la'aan ah ayaa maanta ka socota xaafada Islii ee Nairobi gaar ahaan Poly Medical Centre.

Poly Medical Centre Waa xarun caafimaad oo kasoo horjeeda saldhigga booliska ee Islii ee Eastleigh Police Post.

Daweynta lacag la'aanta ah ayaa soo bilaabatay shalay 27kii waxayna soconaysaa ilaa maanta galinka dambe-28da Janaayo. 

Baaritaanada ayaa waxaa ka mid ah baaritaank kansarka naasaha. Waxaa kaloo kujira kaadi macaan iyo dhiig kar.

Sidoo kale ayaa waxaa dhaqaatiirtu dadka kala talin doonaan dhanka nafaqada jirka carruurtana si lacag la'aan ah ayaa lagu daweynayaa.

Baaritaanada iyo daweynta lacag la'aanta ah ayaa socon doona min 9ka subaxnimo ilaa 4ta galabnimo ee maanta.

Kasokow daaweyntaa qarash la'aanta ah ee cuduradaa iyo baaritaanadooda ayaa Poly Medical Centre waxaa laga helayaa 50% qarash dhimis ah baaritaanka Hepatitis B, ultrasound iyo ECG.

Waxaa kaloo dheer iyana baaritaano kale oo sheybaar oo 50% qarash dhimis lagu samaynayo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Xaafada Islii
Nairobi Kenya
[email protected]