4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2017
Dab weyn oo goor dhaw qabsaday suuqa degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir

Sabti, Janaayo, 21, 2017 (HOL) – Dab xoogan oo saameyn weyn ku yeeshay suuqa ugu ballaaran degmada Dherkeenley ayaa goor dhaw qabsaday qeybo badan oo ka mid ah suuqa sida uu Hiiraan Online goor dhaw u sheegay qof ku sugan suuqa oo aan la hadalnay.

Goob joogaha ayaa inoo sheegay in dabka uu qabsaday qeybo badan oo ka mid ah suuqa, gaar ahaan qeybta ugu muhiimsan ee lagu iibiyo Dharka iyo Kabaha, isaga oo sheegay in hada ay halkaa ku sugan yihiin dadweyne isaga kala yimid degmada oo badan ganacsato doonaya in ay hintooda ka badbaadiyaan dabka.

‘’Goobta waxaa ku sugan gadiid dadka ay ku raranayaan wixii hanti ahaan ee suuqa ka yaalay qeybaha uusan dabka gaarin, sidoo kale waxaa jooga gadiidka dabdamiska oo aan ilaa iyo hada ku guuleysan in ay dabka damiyaan’’ ayuu yiri qofkan la hadlay Hiiraan Online

Suuqa uu dabka qabsaday oo lagu magacaabo Suuq Boocle ayaa ka mid ah suuqyada ugu caansan gobolka Banaadir, oo ay ku yaalaan goobo ganacsi oo dhowr ah.

Dabkan ayaa ku soo beegmay xili sidoo kale isla duhurnimadii maanta dabkan oo kale ah uu ka kacay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha hasse haatee lagu guuleystay in markii danbe in la damiyo, lamana garanayo xiriirka ka dhaxeeya dabka suuqa Bakaaraha iyo kan goor dhaw ka kacay suuqa degmada Dherkeenley.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]