4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2017
Taliyihii qeybta booliiska Sh/dhexe oo ku dhintay qarax ka dhacay Jowhar

Sabti, Janaayo, 21, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ayaa sheegaya in Bam lagu weeraray saldhiga booliiska degmada fiidnimadii caawa lagu dilay taliyihii qeybta booliiska gobolka Sh/dhexe Khaliif Cabdule Cabdi.

Warka ku saabsan weerarka Bamka loo adeegsaday iyo dhimashada taliyaha booliiska waxaa warbaahinta u xaqiijiyay saraakiisha ciidamada ee ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ayaa markiiba gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay oo halkaa ka bilaabay baaritaano la xiriira qaraxa iyo cidii ka danbeysay intaba.

Ugu danbeyntii, ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay Bam lagu weeraray saldhiga booliiska degmada Jowhar, hasse ahaatee inta badan weerarada noocan oo kale ah waxaa sheegta mas’uuliyadooda xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada dowladda iyo AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]