Sideed ruux oo lagu dilay dagaal habeennimadii Jimcaha ka dhacay degmada Afgooye
Sabti, Janaayo, 21, 2017 (HOL) – Maamulka degmada Afgooye
ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal culus oo habeennimadii Jimcaha ku
dhaxmaray degmada ciidamada dowladda iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Guddoomiyaha degmada Afgooye Cabdinaasir Caalim Ibraahim
ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab saddex jiho ka soo weerareen
saldhigyada ciidamada dowladda ee degmada ku sugan, kuwaa oo siweyn isaga
caabiyay.
‘’Xoogagga Al-shabaab ayaa naga soo weeraray saddex
jiho, saldhiga ciidamada booliiska
degmada iyo dhinaca wabiga, sidaa daraadeed waxaa halkaa ka qarxay dagaal culus
saqdii dhexe ee habeenimadii Jimcaha’’ ayuu yiri guddoomiyaha.
Waxaa uu sheegay in dagaalka lagu dilay labo askari, sidoo
kale waxaa ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka degmada.
‘’Dagaalka waxaa nooga dhintay labo askari siddoo kale waxaa
ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka degmada Abdullaahi Xassan Cabdi’’ ayuu yiri
guddoomye Caalin.
Ugu danbeyntii, weerarkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay
Al-shabaab ku qaadaan degmada sanadkan gudihiisa.