4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2017
Faah faahin ku saabsan dab xoogan oo maanta ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha

Sabti, Janaayo, 21, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah iyo faah faahin ayaa ka soo baxaya dab xoogan oo duhurnimadii maanta ka kacay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha, gaar ahaan inta u dhaxeysa safarweynaha iyo suuqa timirta.

Gaar ahaan dabka ayaa ugu horeyn ka kacay makhaayad sida la sheegay ka soo jeeda masjidka Shuhadaa ee ku yaala gudaha Cabdala Shidiye, waxaana uu bilaabay dabka in uu u gudbo dhismayaal kale oo ka agdhawaa goobta uu markii hore ka kacay.

Ganacsatada suuqa ayaa bilaabay in ay hantidooda kala baxaan dhismayaasha ka agdhaw qeybaha suuqa ee wali dabka uu ka soconayo.

Goobta waxaa ku sugan ilaa shan dabdamis oo isku dayaya in ay damiyaan dabka, waxaana sidoo kale goobta ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dadka ka ilaalinaya in ay xatooyo iyo boob ka geystaan suuqa.

Qof ku sugan Suuqa ayaa sheegay in ilaa iyo hada khasaare nafeed uusan geysan, hasse ahaatee uu jiro khasaare hantiyeed, waloow aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu khasaaraha la eg yahay.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuq siweyn cariir u ah oo dhimayaasha yihiin kuwo siweyn isugu dhaw dhaw, waxaana xusid mudan in suuqa ay ku badan yihiin goobaha makhaayadaha ah ee laga cunteeyo, kuwaa inta badan sahla dabka ka kaca suuqa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]