4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2017
Somalida Toronto oo Dibad-bax ka Hor dhigay Xafiiska Duqa Magaalada Toronto iyo Muslimiinta oo Doonaya in dib loo Furo Masjidka Sakiina

Sabti, Janaayo, 21, 2017 (HOL) –Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Toronto ayaa dibad bax balaaran ka hor-dhigay afaafka hore ee xafiiska duqa Toronto John Torry si cabasho looga muujiyo go’aan ka soo baxay maamulka magaalada ,kaasi oo lagu xiray Masjidka Sakiina.

Masjidka Sakiina ayaa gabi-ahaanba albaabada loo laabay bishii labaad ee sanadkii hore ka dib markii lagu soo eedeeyay dhismaha uu ku yaalo in uusan lahayn agab-yada bad-baadada ee ka hortagi kara dabka iyo walxaha kale ee khatarta sababi kara.

Maamulka Masjidka ayaa la sheegay in uu wax ka qabtay cabshada laga gudbiyay, waxaana dadaalo dhowr ah oo arinta laga galay la sheegay in ay ku so dhamaadeen natiijo la’aan xilii Sakiina uu muslimiinta Toronto u yahay xarun ay ku kulmaan.

Sheikh Saciid Raage oo kamid ah asaasayaasha Masjidka Sakiina ayaa sheegay in sababta ay u dibad-baxayeen ay ahayd in lala kulmo John Tory ka dib markii ay guul-daraysteen wada-hadalo arintan ku saabsan oo horey u dhex-maray iyaga iyo Michael Thompson.

“Duqa Toronto horey waxa uu u diiday in uu nala kulmo ,balse markii ay muslimiinta magaalada dibad-baxan isugu yimadeen waxa uu aqbalay in aan is aragno ,waxaanse doonaynaa in muddo laba asbuuc gudaheed ah aan kulan kale yeelano “ ayuu yiri Sheikh Saciid.

Shiekh Saciid ayaa sheegay in arintan ku saabsan dhismahan loola dhaqmay si aan cadaalad ahayn ,waxaana uu tilmaamay in dowlad-du ay doonayso in muslimiinta ay ku khasbaan in gabi-ahaanba dhismaha ay ka guuraan ,taasi oo uu tilmaamay in ay tahay mid aan macquul ahayn.

“Waxey doonayaan in meelihii aynu ka iibsan jirnay masaajiyada iyo madaaristaba in ay xiraan oo ay nagu khasbaan in aynu ka iibsano masaajidyada meelaha la dagan-yahay ,taa waxaa ku dheer qiimaha lagu iibsanayo oo shan jeer kor u kacaya ,taasina waa mid-da aan ka soo horjeed-no “ ayuu mar kale xusay Sheekha.

Sheekh Abdirashiid oo isna kamid ah hogaanka Masaajidka Sakiina ayaa sheegay in gabi-ahaan-ba ay xaliyeen arintan ku saabsan bad-baadada dhismaha ,isla markaana ay ogaadeenn in dowladdu ay doonayso in gabi-ahaanba dhismahan ay xirto.

Maayarka Magaalada Toronto oo lagu khasabay in uu wax ka badalo jadwalkiisa si uu la kulmo dadkii dibad-baxayay ayaa sheegay in uusan ka hordhicin karin waxa uu sharcigu ka qabo dhismahan ,balse ay arintaasi u taalo xildhibaanada degmada ,isaga oo tilmaamay in go’aanada la-qaatay ay un sabab ku yimaadeen.

“ Waxaa jira sharciyo la xiriira arimaha dhismayaasha ,si lamid ah waxaan leenahay sharciyo ku aadan arimaha bad-baada sidaa darteed waa in aanu hubino arintaasi in ay waafaqdo labadaa sharci “ ayuu yiri John Torry mar uu la hadlayay dadkii dibad-baxayay.

Ugu danbayn ,Muslmiinta magaalada Toronto ayaa ku adkaysanaya in aysan ka guuri doonin dhismaha ay hadda dagan-yihiin ,isla markaana ay samayn doonaan wax walba oo awoodooda ah si dib loogu furo  Masjidka Sakiina.

Faysal M. Hassan
[email protected]