4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2017
Horjooge ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Baay

 

Sabti, Janaayo. 21, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in howlgal ay sameeyeen ciidamada ee ka howlgala deegaannada hoostga gobolka lagu dilay horjooge caan ah oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Baay, ayaa sheegay in ay dileen sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab, kadib howlgal ay ciidamada ka sameeyeen deegaanka lagu magacaabo Ceel Dhuun Adeegow oo 45-km dhinaca waqooyi kaga began magaalada Baydhabo.

Magaca sarkaalka la dilay ayaa lagu sheegay C/laahi Gaab oo sida ay saraakiisha ka dhawaajiyeen dhibaato xoog leh ku hayay dadka deegaanka.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan howlgalo ka sameeya deegaanno hoostaga gobollada Baay iyo Bakool oo ay ku xoog badan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana deegaannadaa la dhaca iska horimaadyo dhaxmara labada dhinac.

Ugu danbeyntii, inkastoo saraakiisha dowlada sheegteen in ay dileen sarkaalka ka tirsanaa Al-shabaab, hadana dhinaca Al-shabaab arinta wax war ah kama aysan soo saarin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]